Wararka laga helayo Gobolka Bari ee maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Qarax qabsaday gaari ay la socdeen dad rayid ah.
Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay toga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala ee gobolka Bari, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.
Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay, in qaraxaasi uu dhacay abbaaro Gelinkii dambe, ka hor xilliga afurka, waxana baabuurka qarxay uu ku socday buuraha Galgala.
Ma cadda haddii bartilmaameedku uu ahaa dadka la weeraray, oo sida la sheegey aanay hubeysanayeen.
Deegaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxa tiro dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab, iyadoo qaarkoodna ay hore u sheegeen inay ku biireeen kooxda ISIS.