Monday, July 14, 2025

Haweeneyd Soomaali ah oo ku Geeriyootay & Weriye ku dhaawacmay Shil ka dhacay Mareykanka

Haweeney Soomaaliyeed ayaa ku dhimatay, weriye caan ahna waa ku dhaawacmay shil ka dhcay dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Barron ee gobolka Wisconsin ee dalkaan Mareykanka Sabtidii, waxaana ku geeriyooday Asli Cabdi Xayir, iyadoo uu dhaawac ka soo gaarayAxmed C/raxmaan Jaakat oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dagan Mareykanka.

Gaari ay la socdeen ayaa la sheegay inuu si kedis ah ugu dhacay Tareen wado ay marayeen, iyadoo goobtaasi laga qaaday meydka iyo dhaawaca weriyaha.

Booliska magaalada Barron ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan sababaha keenay in baabuurka iyo tareenka ay isku dhacaan.

Weriye Axmed Jaakat oo ka mid ahaa weriyayaashii ka howgeli jiray Idaacadii HornAfrik oo ku jira cisbilka Mayo Clinik ayaa sheegay in Tareenka si lama filaan ah u qaatay gaarigooda ayna ka badbaadiyeen inuu dul maro, dhaawaciisuna lagu qaaday heliokobtar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON