Monday, July 14, 2025

Haweeneydii ugu horeysay oo loo doortay Duqa Magaalada Roma [SAWIRRO]

Haweeney ayaa markii ugu horeysay loo doortay inay noqoto Duqa Magaalada Roma ee caasimadda Dalka Talyaaniga kadib doorasho ay si weyn uga guuleystay musharixii la tartamayay.

Virginia Raggi, oo k socorta Dhaqdhaqaaqa loo yaqaan Shanta xiddigood (Five Star Movement’s (M5S)  waxay heshay codad gaaraya 67%, waxayna ka guulysatay musharixii xisbiga Dimoqraadiga (Democratic party)  oo lagu magacaabo Roberto Giachetti.

Giachetti ayaa guuldaradiisa qirtay in ka yar hal saacadood markii la soo xiray goobaha doorashada, isagoo u hambalyeeyay haweeneyda Virginia Raggi. Iyado ka  hadashay guusheeda ayay sheegtay haweeneyda 37 jirka ah ee loo doortay duqa Roma inay Duq u noqon doonto  dhammaan dadka reer Roma aya soo celin doonto cadaaladii iyo hufnaantii maamulka.

Guusha Virginia Raggi ayaa la sheegay inay jug weyn ku tahay xisbiga Dimoqraadiga ee Ra’iisal wasaare Matteo, ayna caddeyn u tahay in dadka dalkaasi ay ka niyad jabeen xisbiyada waaweyn.

Xisbiga Five Star waxaa aasaasay majaajiliiste Beppe Grillo  kadib markii xiisadii dhaqaale ay ka dhacday dalka Talyaaniga, wuxuuna sanadkii 2013 xisbigaasi ka helay doorashadii guud ee dalkaasiku dhowaad 25%.

Virginia Raggi

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON