Thursday, June 26, 2025

Haweenka New Zealand oo xijaab wada xirtay & Ra’iisal Wasaaradda oo Xadiis ku furtay Baroordiiqda [Sawirro]

Baroordiiq loo sameeyay dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayey laba masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ayaa si weyn loo hadal hayaa toddobaad kadib jimcihii koowaad.

50 ayaa lagu dilay dalka New Zealand, markii nin caddaan cunsuri ah uu rasaas ku furay iyagoo ku jira laba masjid, waxaana weli Isbitaallada ku jira 29 qof, laakiin baroordiiq loo sameeyay ayaa si weyn looga maqsuuday.

Haweenka New Zealand ayaa xirtay Khimaaro ay ku muujinayaan murugo iyadoo ay ugu horeysay haweeneyda Ra’iisal wasaaraha ka ah dalkaasi Jacinda Arden, waxaana dalkaasi oo dhan laga baahiyey aadaanka salaadda Jimcaha, iyadoo Ra’iisal wasaaradda ay baroordiiqda ku furtay Xadiiskii Nebiga scw ee ahaa: Muslimiinta waxay la mid yihiin hal jir oo kale sida ay isugu naxariisanayaan oo ay isku jecel yihiin oo haddii jir qeyb ka mida uu xanuunsado, intiisa kale ay la xanuunsaneyso..”

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

شرطية ترتدي الحجاب تضامنا مع أهالي الضحايا (رويترز)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON