Tuesday, June 24, 2025

Hay’ad Caalami ah oo ku baaqday in Maxkamad la soo taago Cabdi Maxamuud Cumar

Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda insaanka fadhigeedu yahay dalka Mareykanka Human Rights Watch ayaa ku baaqday baaritaan lagu sameeyo tacadiyadii ka dhacay Is-maamulka Soomaalida Itoobiya iyo maxkamad lasoo taago madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley.

Dowladda Itoobiya ayay hay’addu ugu baaqday inay samaysobaaritaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku saabsan tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyoobiya, sida lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch.

Hay’addu waxay dalbatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado. Waxay magacooda si gaar ah u xustay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyaha ciidammada Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale (Cabdiraxmaan Labo Go’le) iyadii dalbatay si khaas ah loo baaro doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay.

Lixdii bishan Agoosto ayay ahayd markii rabshado iyo boob uu ka dhacay magalaada Jigjiga, taas oo ay ku lug lahaayeen ciidammada Liyuu Booliiska iyo dhallinyaro taageersan madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ka dibna waxaa is casilay Madaxweynihii. Sida warbixinta ha’adda lagu sheegay. Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa deegaanka Soomaalida ka socday tobanka sano.

Ra’iisulwasaaraha cusubna waxay ugu baaqday in isbadallada uu wado uu ku daro in caddaaladu ay qabato kuwo awoodda badan ee gaystay dambiyada waawayn ee aadanaha ka dhanka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON