Hay’adaha Ammaanka dowladda Somalia ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Alshabaab oo baxsad ka ah cadaaladda, kuwaasoo loo heyso falal argagixiso iyo khaarijin, waxaana madaxooda la saaray lacag abaalmarin ah.
Ciddii keenta xogta raggan lagu qaban karo oo ka kooban 5 xubnood ayaa loo ballan qaaday Abaal marin Lacageed oo aan la sheegin cadadkeeda, waxayna dhowaan kasoo muuqdeen barnaamijka Gungaar ee ka baxay telefishanka dowladda oo looga hadlay shabakad Alshabaab ah oo ka howgeli jirtay magaalada Muqdisho.
Shanta xubnood ee Hay’adaha amniga raadinayaan ayey dhowaan maxkamadda ciidamada qalabka sida ku xukuntay Dil toogasho ah, iyagoo ka qeyb qaatay dilal khaarijin ah iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.
HOOS KA FIIRI SAWIRRADA XUBNAHA LA DOONAYO





