Monday, June 23, 2025

Hay’adaha Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Go’aano soo saaray [Akhriso]

Hay’adaha Garsoorka dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray go’aano ku saabsan fulinta amarrada Garsoorka iyo dacwadaha horyaalla.

Xarunta maxkamada sare ee Magaaladda Muqdisho waxaa lagu qabtay Shirkii billlaha  ahaa ee hay’adaha  garsoorka ee dowladda Federaalka Soomaaliya,  waxaana kasoo qeyb galey wasiirka wasaarada cadaalada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, Garyaqaanka guud ee dowlada Cismaan Cilmi Guuleed iyo Saraakiil ka tirsan Hoggaanka Booliska iyo maxkamadaha.

Kulanka oo si wadajir ah u shir gudoominaayeen guddoomiyaha Maxkamada sare dalka iyo wasiirka cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana shirka looga hadley dardargelinta qodobada  ay ka mid yihiin:

  • In si wadajir ah wax looga qabto dacwadaha ku dhisan been abuurka.
  • Boolisku in ay fuliyaan xukunada iyo go’aanada ka soo baxa maxkamadaha dalka si ay u helaan cadaalad muwaadiniinta Soomaaliyeed.
  • In si deg deg ah maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo saldhigyada loo horkeeno garsoorka si ay cadaalad u helaan.
  • Xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha fulinta ee la shaqeeya hay’adaha Garsoorka.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON