Monday, June 23, 2025

Hay’adda Caafimaadka Adduunka: 190,000 Qof ayaa Afrika ugu dhiman doona cudurka Covid-19

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Q/Midoobay (WHO) ayaa ka digtay in Afrika ay cudurka Coronavirus ugu dhiman doonaan dad gaaraya 190,000 qof hadda aan tallaabo degdeg ah la qaadin.

WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay haddii aan la dhaqan gelin tallaabooyinka looga hortegayo cudurka Coronavirus inuu faraha ka bixi doono Afrika ayna sanadka ugu horeeya qaadi doonaan 29 ilaa 44 milyan oo qof.

Warbixinta WHO ayaa lagu dhisay baaritaan iyo tirakoob ay ka sameysay 47 dal oo Afrika ka mida, ayna ku nool yihiin Hal Bilyan ruux, waxaana lagu saadaaliyey sida cudurka ugu faafayo Qaaradda.

Ad

Dalalka halista badan ka jirto ee cudurkan aadka uu nugul waxaa ka mida dalalka yaryar, iyo dalalka kale waaweyn qaarkood sida Algeria, South Africa iyo Cameroon.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa baaritaan ay sameysay bishii Maarso 2020 ku xaqiijisay sida Afrika ugu nugushahay cudurkan iyadoo 47 dal oo Afrikaan halkii Milyan oo qof ay kusoo beegmeyso 9 Sariirood oo leh qalabka ICU (intensive care unit) taasoo ah xaalad halis ah haddii cudurku faafo.

Hay’adda WHO ayaa ku talisay in dalalka Afrika ay qaadaan tallaabooyin ka hortag ah oo lagu xakameynayo cudurka Covid-19, taasoo haddii lagu fashilmo xaaladda ka dhigeysa mid lagu hoobto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON