Wednesday, June 25, 2025

Hay’adda Caalamiga ah ee HRW oo ku baaqday in la baaro dembiyadii uu galay Sheekh Roobow [Akhriso]

Hay’adda Xuquuuqul Insaanka ee Human right Watch ayaa ku baaqay in dowladda Federaalka ay baarto dembiyadii uu galay hogaamiyihii hore ee Alshabaab Mukhtaar Roobow Cali.

Cilmi-baare ka tirsan hay’adda Human right Watch ee Mareyanka, una qaabilsan Bariga Afrika haweeneyda lagu magacaabo Laetitia Bader ayaa sheegtay in Sharciyada caalamiga ah ay  mamnuucayaan in megangalyo la siiyo dadka gala dembiyada waaweyn, iyadoo Mukhtar Roobow hogaan sare ka ahaa ALshabaab oo ka geysatay dembiyo waaweyn.

Waxay intaas ku dartay in Mukhtaar Rooobow uu kaalin hoggaamineed ku lahaa weerarro aan kala sooc lahayn oo lagu qaaday dadka rayidka ah, caruurta lagu khasbay inay askar noqdaan iyo tacadiyo kale oo lagula kacay dadka ku hoos nool Alshabaab.

“Dowladda Soomaaliya waa inay baartaa doorkii Mukhtar Roobow, ayna hubisaa in kuwii ka dambeeyay taciyadii foosha xumaa aysan ka baxsan cadaaladda” ayay qoraalkeeda ku tiri Laetitia Bader.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON