Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan inaan haween loo sameyn qoonde ayna tahay khalad iyo jujuub oo aan lagu saleyn Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Madaxda Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo soo saaray qoraal ayaa ka digay in haweenka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan baarlamaanka cusub, waxayna soo qaateen caddeymo iyo daliilo ku saabsan arrintan.
Waxay culimada aad uga hor yimaadeen qoondada haweenka ee 30% looga qoondeeyay haweenka Soomaaliyeed waxayna arrintaasi ku tilmaameen mid ay ka dambeeyaan reer Galbeedka.
Shirkooda jaraa’id ayay culimadu ku sheegeen in qoondo gaara meel loogu xiro ay ka hor jeedaan, laakiin loo sinnaado rag iyo haweenba loogu tartamo kuraasta baarlamanka.
BAYAANKA HAY’ADDA CULIMADA