Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay inay ka war heshay qorshe Alshabaab ku dooneyso inay weeraro ku qaado Dekadaha waaweyn ee dalka oo ay ka mid yihiin Dekadaha Muqdisho iyo Boosaaso.
Hay’adda ayaa sheegtay in la ammaanka Dekadaha muhiimka ah ee dalka si looga fogaado in ururka Al-shabaab ay weerar qorsheysan ka geystaan.
Sida baahisay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay in kooxihii hubeysnaa ee lagu arkay shalayto degaanka Garacad ay qorsheynayeen weerar lagu qaado qaar kamid ah Dekadaha Soomaaliya.
NISA ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah, kuwaas oo looga hortagayo qorshe kasta oo ururka Al-shabaab ku doonayaan in ay weeraro ku fuliyaan.
Ma cadda tallaabooyinka la qaaday iyo in wararka sirdoon ee la helay lala wadaagay dowlad Goboleedka Puntland, laakiin waxaa muuqata inay NISA isku dayayso fasir ay u hesho ciidamada faraha badan ee Alshabaab dhinaca xeebta ku daabushay oo ka tegay xeebaha ku teedsan degaanada Puntland.
Goobjooge.com