Monday, July 14, 2025

Hay’adda Nabasugidda oo u digtay xisbiyo siyaasadeed, soona faragelisay kiiska Wiil ay AMISOM ku dishay Muqdisho

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ayaa u digtay  dadka Soomaaliyeed iyo dhinacyada siyaasadda inay uga faa’iideysan qaab siyaasadeed shilkii askari ka tirsan  AMISOM ku dilay wiil yar oo 14 jir ah dhowaan agagaarka Stadio Muqdisho.

Nabad-Sugida (1)

War NISA ay ku qortay Boggeeda twitterka ayay ku sheegay in saraakiil ka tirsan Nabadsugidda ay booqdeen qoyska uu ka dhintay wiilka yar ayna u baahan yihiin duco ee aysan u baahayn in la siyaasadeeyo arrintooda.

Warka NISA aya ka danbeeyay banaanbax xisbiga Daljir soo abaabulay oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo looga horjeeday dilka AMISOM kula kacdo dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee aan wax tallaabo ah dowladdu ka qaadin.

Warka kooban ee NISA ma sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadeyso si arrinta dilka wiilka 14 sano jir ah wax looga qabto, mana faahfaahin tallaabada xigta ee ka dambeysa kulanka ay la qaatay qoyska wiilka dhintay, waxaase cad inay diidan tahay bannaanbaxa.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON