Wednesday, July 16, 2025

Hay’adda NISA oo amarro culus ku soo rogtay Hoteelada Muqdisho (Dadka u Shaah doonta Hoteelada oo la diiwaan gelinayo)

hoteelo

Kulanka ay yeeshaan milkiilayaasha Hoteelada Muqdisho, Wasaaradda Amniga gudaha iyo Hay’adda NISA ee nabadsugidda oo maanta ka dhacay Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Ex. Habar-khadiijo degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa  looga hadlay xaaladda ammaanka Hoteelada Muqdisho.

Shirkan ayaa la sheegay inay wada guddoominayeen Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Hay’adda NabadSugidda Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa amarro culus la dul saaray milkiilayaasha hoteelada Muqdisho, iyadoo la s iiyay oo ay ku qornaayeen 7-qodob oo laga rabo inay fuliyaan hoteelada Muqdisho.

Qoraalka oo uu soo saaray Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda kana  hor Akhriyay  Milkileyaasha iyo Agaasimeyaasha Hoteelada waxaa qodobadiisa ay kala yihiin:

  1. Hotel waliba waa inuu Sameeyaa Labo Kontorool oo baaxadda u dhaxaysa Kontoroolka Koowaad iyo kan Labaad oo ah albaabka laga soo galayo ay ahaato masaafo dhan 100 Mitir.

  2. Hotel waliba waa inuu sugaa Amniga 200 oo Mitir oo isku Wareeg ah oo ku Hareereysan Hoteelka.

  3. Dadka degaya Hotelka waa in laga hayaa Koobi Baasaboor Ama Aqoonsi u dhigma.

  4. Qof kasta oo soo booqanaya muwaadin degan Hoteelka waa in laga qoraa Qofka uu soo booqanayo, Qof kasta oo ka soo shaahenaya Hoteelka ama u soo sheeko doonanaya waa in laga diiwaan geliyaa ID CARD uu wato ama Magaciisa la qoro.

  5. Shaqaalaha Hotelka ka shaqeynaya waa in laga diiwaan geliyaa Xarunta NISA ee degmada uu ku yaal Hoteelkaas, lana mariyaa baaritaan Amni Shaqaale walba, wixii caawin ah oo ay u baahdaana waxaa ay la soo xiriiri karaan Hay’addaha Amniga.

  6. Hotel waliba Amniga Muwaadiniinta degan waxaa lagala xisaabtami doonaa Milkiilaha Hotelka.

  7. Hotel waliba waa inuu leeyahay Qalabka casrigaa ee gaadiidka iyo dadka lagu baaro.

Taliyaha Nabadsugidda ayaa u sheegay milkiilayaasha iyo agaasimeyaasha hoteelada ee shirka fadhiyay in hotelkii aan awoodin inuu fuliyo shuruudaha iyo amarrada la soo rogay aanu sii shaqeyn karin oo la xiri doono.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa kadib weerarkii Hotel Saxafi wuxuu si is daba jooga u soo saarayaa amarro qaarkood ay mustaxiil yihiin in laga fuliyo Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON