Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka oo hore hakad loo geliyay cudurka Covid-19 dartiis.
Wargelin kasoo baxday Hay’adda ayaa lagu sheegay in Axadda oo ku beegan 4-ta April 2021 dib loo bilaabi doono adeeggii bixinta Baasaboorka , iyadoo dadka lagu amay inay raacaan tilmaamaha af-xirashda iyo kala fogaanshaha.
Waxaa kala bar la yareeyay dadkii Baasaboorada u doonan jiray xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee laga bixiyo Baasaboorada ee Muqdisho, Gobollada iyo safaaradaha dibadda.

