Somaliland ayaa joojisay xiriirkii wada-shaqeynta ee kala dhaxeeyay Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxya Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland.
Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhexeysay Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya UNSOM, isla markaana la hakiyey shaqooyinii Hay’adaha Q/Midoobay ee Somaliland ka socday; iyadoo uu go’aankan dhaqan galay 25-kii Oktoobar 2020.
Waxaa kaloo la hakiyey dhammaan shirarkii iyo seminaaradii Hay’adaha Qaramada Midoobay ilaa mar danbe, iyadoo aan la shaacin sababta keentay in Somaliland hakiso shaqooyinkii Q/Midoobayay ka waday deegaanadeeda.
Somaliland ayaa si wey u cambaareysay heshiis ay Q/Midoobay la gashay dowladda Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd, kaasoo keenay inay tallaabadan qaadato (Akhri Warkan)
