Sunday, June 29, 2025

Heshiis noocee ah ayaa lagu gaari doonaa Shirka Jabuuti? (Akhriso Liiska Guddiyada labada dhinac)

Shirkii wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somailand ayaa ka socda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana shalay kulmay Guddiyo ay labada dhinac magacaabeen oo ka kooban min 7 xubnood.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxda Somaliland ayaa ku sugan magaalada Jabuuti, waxaana shalay Jabuuti ka tegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay maanta ka dhoofaan madaxda Sare ee Somaliland.

Shirka ayaa dhinaca Soomaaliya waxa hadda hoggaaminaya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana Guddiga la magacaabay madax u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddiyada rasmiga ah ee labada dhinac magacyadooda ayaa la shaaciyey, waxaana Guddiga Somaliland uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamed, iyadoo wax weyn jawiga ka bedeleen khudbado degan oo ay jeediyeen madaxweynayaasha dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Kulamada Guddiga ayaa sii socon doona ilaa maanta, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo u badan fulinta heshiisyadii hore loo gaaray, iyadoo aysan xilligan labada dhinac ciyaar u ahayn inay horumar ka gaaraan arrinta Gooni isu taagga Somaliland ama midnimada.

HOOS KA AKHRISO LIISKA LABADA GUDDI

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON