Sunday, July 13, 2025

Heshiiskii Muranka dhaliyay ee Golaha Wadatashiga oo lagu wareejiyay Guddiga..

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta kulan ay yeesheen ku go’aansaday in Heshiiskii Muranka daliyay ee Doorashooyinka iyo hanaanka dowladnimada Soomalaiya ku wareejiyeen Guddiga Dib-u -eegista iyo Hirgelinta Dastuurka labada Gole.

Kulan waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana goobjoog ahaan ku xigeennada labada Gole, waxayna Guddiga Dib-u -eegista Dastuurka ku wareejiyeen heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddiga ayaa la faray inay ka baaran degaan, una beddelaan Heshiiska Luuqad qanuun oo dastuuri ah, isla markaana u soo gudbiyaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa sheegay in xukumadda ay Guddoonka u soo gudbisay Heshiiskii madasha, haddana lagu wareejiyay Guddigooda, iyadoo degdeg lagu bilaabi doono dib u eegista Dastuurka oo muddo dheer soo jiitameysay.

Wuxuu sheegay in qorshuhu yahay in Baarlamaanka Federaalka lagu soo celiyo inta lagu guda jiro kalfadhiga saddexaad ee hadda socda, taasoo meesha ka saareysa wararka sheegaya in la geyn doonin Golayaasha Baaramaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON