Thursday, July 17, 2025

Hillary Clinton oo laga badiyay & Trump oo guuleystay doorashadii New Hampshire

Musharixiinta kala ah Donald Trump iyo Bernie Sanders ayaa ku kala guuleystay tartanka is reeb-reebka xisbiyada gudahooda ee gobolka New Hampshire ee dalka Mareykanka.

Donald Trump oo ku soo baxay xisbiga Jamhuuriga ayaa helay laba jibbaar codadka uu helkay barasaabka gobolka Ohio John Kasich oo la tartamayay, halka Hillary Clinton oo u tartameysay xisbiga dimuquraadiga ay durbaba u hambalyeysay ninka uu loolanka kala dhexeeyay ee Bernie Sanders oo iayada ka guuleystay.

Mr Sanders ayaa sheegay in natiijadani ay direyso farriin ah in qof kastaa oo Mareykan ah uu leeyahay dowladda.

Donald Trump natiijadaasi kaddib u sheegay taageerayaashiisa in uu doonayo in Mareykanka uu durbaba billaabo in uu hanto caalamka.

Ninka ku guuleystay tartanka xisbiga dimuquraadiga Bernie Sanders ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo taageerayaashiisuba ay dirayaan farriin ah in dowladda ay wada leeyihiin dhammaan dadka mareykanka ah balse aysan ahayn mid ay leeyihiin shakhsiyaad maal qabeen ah oo lacago ugu yaboohay ololaha doorashada.

Hillary Clinton oo uu loolan kala dhaxeeyay Sanders ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto loolanka ay ugu jirto dhammaan codadka gobol kasta.

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON