Dood iyo hubanti la’aan ayaa hareysay kulamada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kadib markii uu hoggaankiisa la wareegay Guddoomiye ku xigeenka labaad, isla markaana xaalado kala duwan ay ku maqnaadeen Guddoomiyaha iyo ku xigeenka koowaad.
Fadhiyada Golaha ayey xukuumadda ku harqisay hindise sharciyeedyo fara badan oo sida loo ansixiyay ay dood ka timid, markii qaarkood la ansixiyay, iyadoo aanay fadhiga Golaha joogin xildhibaanno kooram dhan, marar kalena xildhibaannada dood ka keeneen inaan aragtidooda waxba laga qaadan.
Kulamada inta badan ayaa ka dhaca in xildhibaannada ay ku qabsadeen guddoonka inuu hareer maray xeer hoosaadka golaha, taasoo keenay dood joogto ah iyo hoggaan xumo hareysay Golaha Shacabka oo gaartay in xildhibaanno qaarkood mooshin qoraan, ayna dalbadaan in dib loo soo celiyo Xeer si sharci darro ah ay sheegeen in loo meel mariyay.
Kulankii Sabtida ee 11 Febraayo 2023 ugu danbeeyay ayaa dood cusub ka dhalatay Hindise Sharciyeedyadii ugu badnaa ee Golaha shacabka la keeno oo mar qura, si looga qeybiyo, waxaana arrintan ay ka horjeedaa Xeer hoosaadka Golaha Shacabka ku shaqeeyo, sida uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Waxaa fadhiyada inta badan kusoo noqnoqda oo ka hadlaya guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Xeer hoosaadka Xildhibaan C/samad Macalin, kaasoo xilli walba baraarujiya sida ay tahay inuu sameeyo guddoonka iyo jebinta joogtada ah ee xeer hoosaadkaa, taasoo muujisay xaaladda guddoonka qofka kaliya ah ay dhalisay.
Fadhigaasi Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay amray in la qeybliyo toddoba Hindise sharciyeed oo 5 ka mida ay cusub yihiin, kuwaasoo kala ahaa:
1)- Qeybinta warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
2)- Qeybinta warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.
– Qeybinta Hindise sharciyeedka Akhrinta 1aad ee kala ah
3)- Hindise Sharciyerdka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
4)- Hindise sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
5)- Hindise Sharciyeedka Socdaalka.
6)- Hindise Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
7)- Hindise Sharciyeedka Hormarinta Maareynta Kalluumeysiga Soomaliyeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Bishii ugu danbeysay ku maqnaa magaalada Baydhaba ayaa Muqdisho kusoo laabtay, balse noqday ku-sime madaxweyne, halka Guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin ay xaalado siyaasadeed oo hareeyay uga maqan tahay dalka.
Xildhibaanno badan ayaa si weyn uga gadoodsan sida guddoomiye ku xigeenka labaad u wado Hoggaanka Golaha Shacabka iyo jebinta xeee hoosaadka Golaha ee joogtada noqotay, iyadoo Golaha ay saameyn badan ku leedahay Xukuumadda.