Monday, June 23, 2025

Hirshabeelle iyo Madaxda AMISOM oo kala saxiixday Heshiis Dhul lagu siinayo AMISOM [Sawirro]

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis.

Heshiiska ayaa maamulka Hirshabeelle ku siinayaa AMISOM Dhul ay degaan ciidan kamid ah ciidamada Amisom oo lagu xoojinayo ciidanka Amisom ka jooga xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Heshiiska ayaa dhigaya in dowlad-goboleedka Hirshabeelle siin doonto  dhul  howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo loogu talagalay in loo adeegsado si lacag la’aan ahn howlgallada iyo maamulka  ciidanka

Ad

Hirshabeelle ayaa horay waxa ay u martigelsay laba talis-qayb (Two sectors commands) oo ay leeyihiin ciidanka Amisom; kuwaas oo kala deggan Jowhar iyo Beledweyne.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa ku ammaanay ciidanka Amisom wadashaqeynta iyo xiriirka shaqo-wanaagga eek ala dhexeeye dowladgoboleedka Hirshabeelle; isaga oo intaas raaciyey in taasi suurtagelisay horumar laga gaaray dhinaca nabadgelyada gobolka.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxsanahay saxiixidda heshiiskan, waxa aan jecelahay in aan uga mahadceliyo walaalaheena Amisom naf-huridda ay sameynayaan; taas oo dhiiggooda ay u daadiyeen, una soo jeedaan habeen iyo maalin awgeen; si ay u sugaan ugana badbaabiyaan dalkan cadowga” sidaas waxa yiri wasiirka Arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Cali Caadle

- Advertisement -

Danjire Francisco Caetano Madeira Ergayga gaarka ee howlgalka midowga Afrrika ee Soomaaliya (Amisom) ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Amisom waxa uu saxiixay heshiiska isticmaalka si lacag la’aan ah dhulka, iyada oo dhinaca Hirshabeellana ay u saxiixay wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle.

Danjire Francisco Caetano Madeira; ayaa u sheegay  Wasiirka intii ay socotay munaasbaddii lagu saxiixay heshiiska,  sida AU ugu faraxsan tahay lashaqeynta ay muujisay dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mr Francisco ayaa yiri “Waxa aan soo dhoweyneynaa sida ay dowlad-goboleedka Hirshabeelle uga gu’an tahay lashaqeynta Amisom; taas oo damaanad iyo wax ku oolba  u ah in Amisom qayb ka qaadato xasilinta Soomaaliya”

Francisco ayaa sidoo kale tibaaxay in taageerada Amisom ee hoggaanka Hirshabeelle ay suurtagal ka dhigtay dib u dejinta ciidanka wareejiyey dhismaha jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed; kaas oo u wareegaya Qaybta 5aad oo ku taal Jowhar; oo ah xarunta dowlad-goboleedka Hirshabeelle, waxa uu yiri Francisco:

“Taasi waa astaan horumar, taasi waa astaan muujineysa in aan gaareyno ujeedkeenii ahaa xasilinta waddanka”

- Advertisement -

Waxa uu sidaas oo kale carrabaabay sida uu ugu mahadcelinayo dowladgoboleedyada kale kuwaas oo kaalin wax ku ool ah ka qaatay martigelinta Qaybaha iyo talisyada ciidanka Amisom, kuwaas oo ku dherersan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegay in ay cadaadis iyo xoog bada gelinayaan sidii ay wadashaqeyn dheeri ah uga la yeelan lahaayeen howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) wixii ku saabsan maslaxadda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON