Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada jadwalka 3 kursi oo ka mid ah kuraastii ku hartay magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeelle.
Kuraasta ugu danbeysa ayaa ah kuras adag oo waanwaan muddo qaadatay laga dhex waday Beelo isku heysta, kuwaas oo kala ah kursiga HOP146 oo la siiyey Musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo HOP141 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).
Doorashada saddexda kursi ayaa la shaaciyey in l aqabanayo 28-30-ka Bishan April 2022, iyadoo aan la faahfaahin.
Sidoo kale waxaa kuraasta Jowhar lagu qabanayo doorashadoda ka mida kursiga HOP135 oo ay hore ugu fadhiday Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo qarax is-miidaamin ah lagu dilay magaalada Jowhar.
Hirshabeelle ayaa noqotay maamulkii ugu danbeeyay ee ay ku harsan tahay Doorashada Golaha Shacabka, marka laga reebo khilaafka ka taagan 16-ka kursi ee Gobolka Gedo.
