Tuesday, July 1, 2025

Hirshabeelle oo shaacisay Qabashada Doorashada Laba kursi oo Adag (Akhriso Faahfaahin)

Guddiga Doorashooyinka Hirshabealle ayaa shaaciyey Guddiyada soo xulaya laba kursi oo ka mida kuraasta ku harsan magaalada Jowhar iyo xilliga la dooranayo.

Qoraal kasoo baxay SEIT Hirshbeelle ayaa lagu sheegay in Doorashada labadan kursi ee HOP106 iyo HOP024 ay dhici doonto maalinta Khamiista ee 14-ka April, iyadoo maanta la diiwaan gelinayo ergada iyo musharixiinta.

Kursiga HOP106 oo ay u sharxan yihiin xildhibaanno badan, waxaa hore ugu fadhiday Mina Xasan Shibis, waxaana muuqata inaysan musharax ahayn, iyadoo loo badinayo inuu kusoo bixi doono sarkaal ka tirsan ciidamadii Badbaado Qaran.

Kursiga HOP024 waxaa hore ugu fadhiyey C/qaadir Carrabow oo wajahaya tartan adag, iyadoo musharixiin badan oo culus ay tartanka ku jiraan.

Labadan kursi ayaa doorashadooda la sheegay inay tahay mid furan oo lagu tartamayo, laakiin waxaa rajadiisa wanaagsan tahay musharaxa heysta odayaasha iyo ergada ugu badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON