Tuesday, June 24, 2025

Hogaamiyaha Alqaacida oo ka tacsiyadeeyay Geeridii Sheekh Xasan Turki Sanad kadib

Hoggaamiyaha Al Qaacidda Sheekh Ayman Al dawaahiri ayaa tacsi u soo diray Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Sheekh Xasan Turki)

oo geeriyooday muddo laga joogo in ka badan sanad oo ku beegneyd May 2015.

Qeybta Warbaahinta ee Alshabaab ayaa baahisay  fariin  soconeysa 42 daqiiqo oo daqiiqad ka mida hogaamiyaha Alqaacida uga hadlay geerida Sheekh Xasan Turki.

Hogaamiyaha Alqaacida ayaa  kuammaanay  Sheekh Xasan Turki  halgankii jihaadka ee ka socda Bariga Afrika, Wuxuuna tacsi u diray dadka iyo mujaahidiinta uu ka baxay Sheekha.

Ayman Al-dawaahiri ayaa sheegay in lixdameeyadii uu Xasan Turki bilaabay Jihaadka Bariga Afrika, isagoo Soomaaliya ku soo dhoweeyay  dagaalyahanno mujaahiriin ah oo caalamka isaga kala yimid, sida uu yiri.

Al Dawaahiri ayaa shaaciyay  in Sheekh Xasan Turki uu beyco (Balan) la galay Sheekh Usaaama Bin Laaden Hoggaamiyihii iyo asaasihii Al Qaacida.

Waqtiga ay ku qaadatay tacsida Sheekh Xasan Turki ayaa hogaamiyaha Alqaacida laga dareemi karaa inuu si weyn uga go’an yahay caalamka intiisa kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON