Monday, July 14, 2025

Hogaamiyihii ugu weynaa ee Suuriya oo ka baxay Alqaacida, soona bandhigay sawirkiisa

Muuqaalkii ugu horeeyay ee hogaamiyaha ugu weyn jabhadaha ka dagaalama dalka Suuriya ee hogaamiya kooxda Alqaacida

ku xiran ee awoodda badan, ayaa la baahiyay iyadoo sanado badan muran ka taagnaa hogaamiyahan.

Hogaamiyaha Jabhadda NUSRA Abu Muxamed Aljoolaani waxaa madaxiisa la saaray malaayiin Doolar oo la siinayo ciddii disha ama qaab lagu dili karo keenta, wuxuuna ahaa ninka loogu raadista badan dunida oo dhan hogaamiyeyahaasha islaamiga ee jihaad doonka ah.

Wax badan lagama yaqaan ninkan, laakiin waxaa dhowr jeer fariimihiisa sii daayay Telefishanka Aljazeera oo marna wareystay isagoo wejigiisa la qariyay, laakiin ugu danbeyntii kooxdiisa ayaa baahisay sawirkiisa markii ugu horeysay muddo 4 sano ah oo jabhadda NUSRA uu hogaaminayay.

Sawirka waxaa ka soo muuqday website ay leeyihiin kooxda NUSRA, iyadoo ay kooxdu si rasmi ah u sheegtay inay ka baxday ururweynaha Alqaacida, waxayna bedeshay magaceedii hore iyadoo la baxday Jabhadda Fatax Alshaam, sida uu shaaciyay hogaamiyahooda Maxamed Aljoolaani.

Go’aankan ayaa ah isbedel weyn oo ku yimid jabhada oo ay si hoose ula macaamilaan dalal Khaliijka ku yaala, waxaana hore ay jabhada NUSRA uga go’day kooxda ISIS ama Daacish ee khilaafada. Dagaalo dhiig badan  ku daatay ayaa dhex maray jabhadda iyo Daacish oo dhinac ah iyo Jabhadda iyo dowladda Suuriya oo dhinac kale ah.

SAWIRADDA HOGAAMIYAHA FATAX AL-SHAAM EX NUSRA

Abu-Mohammed-al-Jolani

Abu-Mohammad-al-Jolani

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON