Saturday, June 28, 2025

Hogaanka Al-shabaab oo dagaal kula jira xubno ururka ka mida doonaya in lagu biiro Daacish

Wararka laga helayano magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay wadaan olole ay ku qabqabteen xubno ka tirsanaa ururka oo lagu tuhmay inay magaalada ku daadiyeen waraaqo lagu taageerayo ururka Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Siiriya uga dhawaaqay khilaafada islaamiga ah.

A member of Somalia's hardline al Shabaab rebel group walks with a machine gun after attending Eid al-Adha prayers inside a football stadium north of the capital Mogadishu November 16, 2010.   REUTERS/Feisal Omar

Xubnaha Alshabaab ka tirsan ee  la xir-xiray waxay isugu jiraan Soomaali iyo ajaanib ay tiradoodu gaareyso 30 qof. Waraaqaha ay daadiyeeen waxaa lagu taageeray ISIS waxaana ku qornaa “Waxaan taageersanahay Dawladda Islaamiga ah Shaam iyo Ciraaq”; waxaana dadka daadiyay ay la magac baxeen “Wiilashii Khilaafada”.

Bishii hore dhammaadkeedii ayaa sidan oo kale ayay Al-Shabaab  magaalada Jamaame ku qabqabteen dad ajaanib ah oo lagu tuhumayo inay taageeraan ururka ISIS. Uururka Al-Shabaab ayaa dhowaan soo saaray amar ah inaan la jeedin karin khudbado iyo hadallo shaki gelinaya xiriirka ka dhexeeya Al-Shabab iyo Al-Qaacida, waxaana al-Shabab ay amreen inana la jeedin khudbado iyo hadallo aan fasax loogu haysan xafiiska warbaahinta ee ururka.

 

Hogaanka sare ee ururka Alshabaab ayaa si weyn u diidan inuu ku biiro DAACISH, wuxuuna weli taageersan yahay Al-qaacida, waxaana mudooyinkii danbe soo baxayay cadaadis gudaha iyo dibadda uga socda Alshabaab oo lagu doonayo inay ku biirto DAACISH.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON