Sunday, July 13, 2025

Hoggaamiyihii Daacish oo 5 sano kadib muuqaalkiisa la baahiyey, Hanjabaad cusubna soo saaray. [Sawirro]

Hoggaamiyaha ururka khilaafada Islaamiga ee ISIS Abubakar aAl-Baqdaadi ayaa markii ugu horeysay muddo 5 sano muuqaalkiisa lasoo saaray, iyadoo hore marar badan la sheegay in la dilay.

Muuqaal ay baahisay kooxda Daacish ayaa muujiyey isbedel ku dhacay hoggaamiyaha Daacish oo markii ugu horeeyay lagu arkay masjid ku yaalla magaalada Mowsil ee dalka Ciraaq, halkaasoo uu uga dhawaaqay xukunka khilaafada islaamiga ee Suuriya iyo Ciraaq sanadkii 2014.

Video-ga laga helay Muuqaalkan hoggaamyaha Daacish Abubakar Al-Baqdaadi ayaa lagu sheegtay weerarradii ka dhacay dalka Sri Lanka, waxaana ka muuqday hoggaaminaya ISIS oo kulamo la leh qaar ka mida gacan yareyaashiisa, iyadoo aan la ogeyn xilliga la qaaday iyo goobta uu ku sugnaa.

Shabakada warbaahinta ee al-Furqan oo muuqaalkan baahisay ayaa sheegtay in muuqaalkan la duubay bishan April. wuxuuna hoggaamiyaha Daacish ku hanjanay in dagaalado badan ay socdaan ayna dhici doonaan kuwo hor leh “Dagaalka Baghuz wuu dhamaaday balse waxaa soo socda dagaalo kale oo badan.”.

Abubakar Albaqdadi wuxuu ka hadlay weerarkii ka dhacay dalka Sirilanka iyo maleeshiyaad sheegtay in ay ku biireen IS kuwaasoo joogaa dalalka Burkino Faso iyo Mali. hogaamiyaha ayaa magaciisa saxda ah uu yahay Ibrahim Cawad Ibrahim Al-Badri.

Muuqaalkan ayaa naxdin ku noqday dalka Mareykanka oo sheegay in laga adkaaday Daacish, waxaana wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay inay baarayaan arrintan.

Image result for isis leader
Abu Bakr al-Baghdadi seen in a new video for the first time since 2014 when he announced the existence of ISIS at the Great Mosque in Mosul, Iraq
ISIS leader al-Baghdadi could be seen reading from a piece of paper as declared that 'the battle for Baghouz is over' and that the group was waging a 'battle of attrition'
Al-Baghdadi also vowed to take revenge for his dead militants killed as US-backed forces retook territory in Iraq and Syria seized by the Islamist group since 2014

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON