Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waanwaan ka dhex bilaabay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo kulan xalay la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
“Waxaan caawa booqasho ugu tagnay aniga iyo xildhibaanada labada gole ee barlamaanka ee ka tirsan xisbiga Himilo Qaran guddoomiyaha aqalka sare ee dalka mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah odey Soomaaliyeed oo dalkaan waxbadan soo taray, door muuqdana kasoo qaatay dhismihii dowladnimada dalkeenna…” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo war kasoo saaray kulanki uu la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare.
Wuxuu sheegay inay isla soo qaadnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, innaga oo isla eegnay Khilaafka labada gole iyo sida xal looga gaari karo, dhamaystirka dastuurka KMG ee dalka, doorashooyinka 2020/2021 dalka ka dhacaya iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwa xor ah oo xalaal ah.
Kulankan ayaa ka danbeeyay kulan kale oo ay isla maanta xubnaha uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed la yeesheen guddooiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, kulankaas oo looga wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, innaga oo si gaar ah diiradda u saarnay taageerista xisbiyada iyo dhismahooda, nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020/2021 iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada dalka .
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa u muuqda inuu wado heshiisiinta labada Aqal ee baarlamaanka oo khilaaf weyn uu dhex yaallo, howshaas oo xalinteeda ay ka mid tahay waajibaadka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wararku sheegayaan inuu ku guuldarreystay xalinteeda.




