Madaxweynaha Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa baaq kale kasoo saaray xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalakcyo ee Gobolka Mudug.
Baaq la soo dhigay barta twitter-ka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxda Madasha Hogaanka Qaranka ay ku baaqeyso mar kale in si degdeg colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo wadahadal lagu dhammeeyo.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa weli kacsan iyadoo iska hor imaadyo goosgoos ah ay dhex marayaan ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland oo isku heysta goob ay dooneyso Puntland inay ka dhisto Maxjar.
Madasha Hoggaanka Qaranka: Waxaan mar kale ku baaqeynaa in colaadda ka taagan Gaalkacyo si deg-deg ag wadahadal loogu dhameeyo.
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) October 11, 2016
Goobjooge.com