Tuesday, June 24, 2025

Hogaanka Sare ee Alshabaab oo 45 Berri u qabtay inay towbad keenaan Odayaasha soo xulay Baarlamanka Somalia [Digniin culus]

Hoggaanka sare ee Xarkada Al-Shabaab ayaa muddo 45 maalmood ah u qabtay odayaashadii ergada ahaa ee soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay towbad keenaan, iyagoo ku eedeeyay inay ku dhaceen ‘Gaalnimo’.

Bayaan kasoo baxay Hoggaanka Sare oo loola jeedo Amiirka Alshabab oo ku qoran luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in odayaashii ergada ahaa ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay ku dhaceen “Fal gaalnimo ah”, waxaana laga dalbaday inay ka berii noqdaan ficilkaasi muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka.

Bayaank ayaa Odayaasha kula taliyey inay iska diiwaan geliyaan maamullada Gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ee Alshabaab gacanta ku heysto, waxaana loogu hanjabay in odaygii ka faa’ideysan waaya baaqan la marin doono shareecada islaamka.

Waxa looga digay odayaasha ku sugan Soomaaliya inay ka qayb qaataan dhismaha maamulada dalka ama inay ka qeyb qaataan sida la yiri duullaanka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee gaalada ka wadaan geyiga Soomaaliyeed. 

Alshabaab ayaa hore u leyn jirtay Odayaasha iyo ergada soo dooratay Baaralmaanka Federaalka, lamana oga sabab keenay in hadda ay waqti u qabato, waxaana muuqata inay tahay tallaabo cusub oo cadaadis lagu saarayo odyaasha dhaqanka, kadib markii Ganacsatada ay u hoggaansameen amarrada Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON