Monday, July 14, 2025

Hooyada dhashay Usaama Bin Laaden oo markii ugu horeysay ka hadashay Noloshii Wiilkeeda

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Usaama Bin Laaden oo lagu magacaabo Caaliya Ghanim.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian ee dalka Ingiriiska, ayay Caaliya Ghanim waxay sheegtay in uu wiilkeeda isbedalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga, iyadoo intaas ku dartay in caqliga laga bedelay, mar waliba ay iyadu waanin jirtay.

Bin Laden hooyadiis ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay. Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii, wax war ahna aysan ka heynin arrimaha loo tirinayo.

WAREYSIGA OO DHAN HALKAN KA AKHRISO

My son, Osama: the al-Qaida leader’s mother speaks for the first time

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON