Hooyooyin Soomaaliyeed oo ay ka maqan yihiin wiilal askar ahaan looga qaatay muddo 9 bilood ah ayaa qeylo dhaan u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federalka.
Iyagoo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in muddo 9 bilood ah ka maqan yihiin caruurtooda oo hore loogu sheegay in dalka Qatar la geynayo, kadibna la geeyay dalka Qatar, ayna maqleen in ciidan ahaan loo tababarrayo, waxayna sheegeen inaysan wax War ah ka heynin nolol iyo geeri meel ay ku sugan yihiin.
Hooyooyinkan oo is urursaday ayaa madaxda dowladda ka codsaday inay wiilashoodii u soo celiyaan, waxayna caddeeyeen in wiilashooda laga xaday oo aanay raali ka ahayn in wiilashooda laga qaato, ayna ka cabsi qabaan in Liibiya iyo goobo dagaallo ah loo qaado.
HOOS KA DAAWO