Waa haweeney 31 sano jir ah oo jecel inay is qariso oo aysan warbaahinta kasoo muuqan, waxayna gacan-yare u tahay madaxweyne Trump iyadoo ku wehlisa dhammaan safarradiisa, ugu danbeyn waxay sabab u noqotay inay cudurka Coronavirus qaadsiiso Madaxweyne Trump iyo xaakiisa.
Hope Hicks waxay hore u ahayd haweenka Modelka ee dharka xayeysiiya, waxay hore ula soo shaqeysay gabadha uu dhalay Trump ee Ivanka Trump oo muddo shaan sano ah ay xiriir fiican la lahayd qoyska Trump, iyadoo aan aqoon hor ua lahayn siyaasadda ayeyna noqotay madaxa xiriirka ee Madaxweyne Trump, iyadoo bedeshay Anthony Scaramucci oo xilkaasi laga eryay 10 Berri kadib markii la magacaabay sanadklii 2017.
Warka ku saabsan in Hope Hicks qaaday cudurka Coronavirus wuxuu soo baxay kadib Arbacadii hore, waxayna isla Talaadadii kula safartay Madaxweyne Trump diyaaradda gaarka ah ee doodii ka dhacay Cleveland iyo isu soo bixii Minnesota ee Arbacadii.

Gelintii danbe ee Arbacadda ayaa la shaaciyey in Hope laga helay Coronavirus, iyadoo Madaxweyne Trump uu sheegay in shaqo adag ay qabtay Hope Hicks, ayna dhibaato tahay in laga helay cudurka Coronavirus, isagana uu karaaniil gelayo, laakiin saacado kadib wuxuu Khamistii shaaciyey in isaga yo xaaskiisa laga helay cudurkii.
Haweeneydan waxay xilka iska casishay Febraayo 2018 markii ay su’aalo weydiiyeen Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Koongareeska oo lagu eedeeyay inay been ka sheegtay baartiaankii lagu hayey xiriirkii Ruushka iyo Doorashadii Trump, laakiin waxay la-taliye ahaan mar kale ugu soo qootay Aqalka Cad Bishii Febraayo 2020.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay inuu gabadhan ula dhaqmo sida gabar uu dhalay oo kale, si aadna ay isgu dhow yihiin, iyadoo noqotay qofka ugu da’da yar ee xilkan ka qabata Aqalka Cad muddo dheer.