Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerar lagu qaaday maleeshiyo ku sugan degaanka No. 50 oo kooxda Alshabaab laga dilay horjoogayaal.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdala Xuseen Cali ayaa sheegay in Duleedka Deegaanka No.50 oo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose lagu qaarijiyay 14 ka tirsan AL-Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.
Wasiir ku xigeenka oo ay soo xigatay SONNA ayaa sheegay in Maleeshiyaadka la khaarijiyay ay qorsheynaayeen weeraro ka geystaan degaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagana furtay Hub fara badan, islamarkaana laga gubay Gaarii ay wateen Kooxdaasi.
Ma sheegin wasiirku qaabka weerarku u dhacay iyo qasaaraha gaaray ciidamada weerarka qaaday midna.
Goobjooge.com