Monday, July 14, 2025

Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed [Akhriso magacyada + Sawirro]

Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in horjoogayaal ka tirsan kooxda Alshabaab ay isu dhiibeen maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Horjoogayaasha Alshabaab ayaa iska dhiibay Degmada Buurhakaba, waxaana halkaasi isku dhiibay laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed oo labaduba ka tirsanaa kooxda amniyaadka ee Alshabaab.

Maamulka Buurhakaba la geeyay xarunta degmada Buurhakaba, iyadoo guddoomiyaha degmada iyo maamulka Buurhakaba oo waanwaan ay kula jireen ay raggan isku soo dhiibeen, sida uu sheegay afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf (Gacma).

Waxaa sii badanaya xubnaha ka tirsan Alshabaab ee ka soo goosanaya degaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo Sheekh Mukhtaar Roobow uu qaar ka mida uu ku lug leeyahay is dhiibidda saraakiisha Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON