Sunday, July 13, 2025

Horjooge Alshabaab u qaabilsanaa Afduubka oo la qabtay, laguna soo bandhigay Magaalada Camaara

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee qabsaday magaalada Camaara, Gobolka Mudug aya asoo bandhigay Horjoogie la sheegay inuu Alshabaab u qaabilsanaa Afduubyada.

Ninkan oo loogu tegay magaalada Camaara oo Alshabaab isaga baxeen shalay ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa Afduubka ajaanibta, waxaana soo qabtay ciidamadii galay Camaara ee ay hoggaaminayeen Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiisha ciidamada dowlada, kadibna soo bandhigeen.

Horjoogaha aaa lagu magacaabaa Jabriil Saciid Cali Saciid, waxaana hore loogu eedeeyay inuu ka danbeeyay Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya, oo uu u gacan gelin jiray Alshabaab.

Jibriil Saciid ayaa xogta la helay sheegeysaa in shalay galab ciidamada ku qabteen isaga iyo nin kale oo Gaari la socda magaalada Camaara, Jibriil ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa degmada Xarardheere.

Waxaa ninkan loo heystay inuu ka danbeeyay afduubka laba Saraakiil oo Faransiis oo sanadkii 2009 lagala baxay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, xilli ay dowladii KMG ahayd u tababari lahaayeen ilaalada Madaxtooyada.

Ma cadda sida uu ku gacan galay iyo sababta uu uga haray maleeshiyadii Alshabaab ee ku sugneyd Camaara, kuwaasoo isaga baxay gelinkii hore ee shalay intii aysan qabsan ciidamada huwanta ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON