Wednesday, June 25, 2025

Horjooge ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Howlgal ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Somalia

Howlgal ay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen Gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay horjooge ka tirsan Alshabaab.

Ciidamada danab ayaa howlgalkan ka fuliyey Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo Al-Shabaab u qaabilsanaa maktabka warbaahinta, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Cusmaan Dhegacadde.

Sida Warbaahinta ciidamada kasoo xigatay Saraakiisha ciidamada Danab waxaa lagu guuleystay howlgalka oo ku wajahnaa dilka sarkaalkan.

Warbaahinta dowldda ayaa shaacisay howlgallo lagu dilay saraakiil badan oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin, ayna jirin cid kale oo xaqiijisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON