Tuesday, June 24, 2025

Horjooge ka tirsan Alshabaab oo lasoo bandhigay markii uu isu dhiibay Dowladda Soomaaliya [Sawirro]

Horjooge ka tirsan Alshabaab ayaa isu dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo iyadoo ay la socdaan laba ilaalo oo uu lahaa.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Maleeshiyaadka Al shabaab ayaa isu dhiibay Ciidamada Nabadsugida Jubaland iyo Saraakiisha Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo.

Sarkaalkan ayaa lagu soo bandhigay magaalada, wuxuuna Alshabab u qaabilsanaa degaanada Gobolka Gedo, wuxuuna  kadib u wareegtay degaanada Koofur galbeed Soomaaliya.

Horjooge Cabdinuur Macalin Xasan ayaa sheegay inuu ka tanaasulay fikirkii Shabaabnimo,  isla markaana uu ka shaqeyn doono hormarka Dalka, wuxuuna baaq u diray dhalinyarada weli ka tirsan  Alshabaab.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON