Tuesday, June 24, 2025

Horjooge ka tirsan Alshabab oo isu dhiibay ciidamada dowladda ee Gobolka Bay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegay in halkaasi uu iska dhiibay horjooge sare oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo haatan uu gacanta ku hayo maamulka Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan oo maanta isku soo dhiibay ciidanka booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabaa Aadan Maxamed oo ku magac dheer (Aadan Shaah).

Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa lafilayaa in dhawaan ay saxaafadda u soo bandhigaan macluumaad ku saabsan horjoogahan is soo dhiibay,kaasi oo haatan su’aalo ay weydiinayaan hay’adaha amniga.

wararku waxay sheegayaan in uu koxda Alshabaab u qaabilsanaa fulinta weerarada arbushaadka ah, gaar ahaan deegaano gobolka Bay,waxaana la sheegayaa in marka uu isku soo dhiibay ciidamadu uu la socday qof kamid ahaa maleeshiyaadka shabaab oo ay isla soo goosteen,iyagoo wata hubkooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON