Tuesday, July 8, 2025

Horjooge ka tirsan kooxda Alshabab oo lagu qabtay Degmada Ceelbuur

Ciidamada dowladda Fedeeraalka ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud maanta ku soo bandhigay horjooge ka tirsan kooxda Shabaab oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur.

shabab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Ceelbuur  Col. Maxamed Kaahiye Carraale ayaa sheegay in horjoogaha oo lagu magacaabo Cali Yuusuf (Cali Ganey)  lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanka Ceelshiid ee ka tirsan segmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha caddeeyay in horjoogaha la soo qabtay uu ka mid ahaa hor-joogayaasha ugu waaweyn ee Al-Shabaab ee dhibaatooyinka u geysan jiray  bulshada ku nool deegaanno ka tirsan gobolka, isagoo tilmaamay  la marinayo wixii sharciga ka helo.

Qabashada horjoogaha Alshabaab ee Ceelbuur ayaa yimid iyadoo degmada Afgooye ay Alshabaab ka afduubteen Korneyl ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka oo ay saxaafadda u soo bandhigeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON