Wednesday, July 16, 2025

Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed u qeybisay Dhaawacyada Qaraxii Muqdisho [Sawirro]

Shirkadda Hormuud  Telecom qeybteeda Gargaarka ee Hormuud Foundation ayaa gelinkii dambe ee maanta Deeq Lacageed gaarsiisay Bukaanada ku jira Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Msuuliyiinta Hormuud Telecom iyo Hormuud Foundation  ayaa mid mid u guddoonsiiyay Bukaanadii ku soo waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho iyo bukaanada kale  Min 100 dollar oo kaash ah.

Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo la hadlay Saxafadda aya sheegay in tan iyo markii uu dhacay qaraxii sabtidii  ay Hormuud ku howlaneed howlo dab damis ah maantana ay bilowday gurmad deeq lacageed ah oo ay ugu tala gashay Bukaanada.

Deeqda Lacageed ee maanta Hormuud Foundation ay gaarsiisay Bukaandaasi Soomaliyeed kuwaas oo ku soo wax yeeloobay qarixii xooga badnaa ee ka dhacay Is-goyska Soobe.

Shirkadda Hormuud Telecom ayaa ka qeyb qaadata Bulsha weynta Soomaaliyeed hadba daruufaha ay ku nool yihiin. Waxaana u qaabilsan arrimaha  Bani’aadanimo Hay’ad lagu Magacaabo Hormuud Foundation.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON