Sunday, July 13, 2025

Howl-wadeen ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta oo lagu dilay Muqdisho & Gacan-ku-dhiiglihii oo la qabtay

Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyey in la xiray nin dabley ah oo toogasho ku dilay howlwadeen ka mid ahaa shaqaalaha Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyey in marxuum Maxamed C/qaadir Cilmi oo galabta lagu dilay magaalada Muqdisho uu ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska xeer ilaalinta, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri: “Marxuumku wuxuu kamid ahaa hawladeenada Xafiiska, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo kart iyo howl karnimo ku sifoobay. Waxaan alle uga baryayaa in uu u danbi dhaafo, jannadiisana uu geeyo…Gacan-ku-dhiiglihii dilay marxuumka waa la xiray, waxaana socota baaritaan dilkii marxuumka”

Dhinaca kale xafiiska xeer ilaalinta ayaa dhinaciisa qoraal uu soo saaray u qornaa sida soo socota: “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun Allaha u naxariisto Maxamed Cabdiqaadir Cilmi oo kamid ahaa Howlwadeenada Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ay maanta gacan ka xaqdaran ku dishay Magaalada Muqdisho wuxuu ahaa shaqsi ku sifoobay shaqo wanaag iyo howlkarnimo. Waxaan halkaan ugu tacsiyadeynaynaa dhammaan qoyskiisa eheladiisa asxaabtiisa iyo bahdii Garsoorka ee uu ka baxay..”

Dilka Marxuum Maxamed C/qaadir ayaa ka dhacay wadadda Maka Almukarama, agagaarka Tre biano, waxaana Gaari uu watay rasaas ku furay askar ilaalo u ahayd wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, Askariga dilka geystay ayaa waxaa qabtay ciidamo Milteri ah oo la dhacdada la kulmay, waxaana lagu xiray xarunta CID-da ee Muqdisho.

Marxuumka ayaa ahaa agaasimahii Waaxda IT ee Xafiska Xeer illaalinta Qaranka, wuxuuna sidoo kale Maqaayadda caanka ah ee Zeytuuni u qaabilsanaa suuq-geynta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON