Howlgal ay Sh/hoose ka fuliyeen Ciidamada Milateriga Dowladda oo lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay inay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ku dileen howlgal ay ka fuliyeen degaanada Gendershe iyo Dhannaane ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa 7 maleeshiyo oo ka tirsan koxda Alshabaab, iyadoe looga qabsaday hub iyo saanad. Taliye kuxigeenka qeybta 12ka April ee Ciidamada Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Xasan Aadan Xaashi ayaa sheegay in howlgalkaasi ay khasaare xoog leh ku gaarsiyeen Alshabaab,.

Ad

“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada, hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM, Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen”. Ayaa laga soo xigtay taliye ku xigeenka qeybta 12-ka April oo warbaahinta .dowladda u warramay.

Howlgallada ka socda Gobolka Sh/Hoose ayaa ka dambeeyay kadib weerarkii ay Alshabaab sida gaadmada ah ugu qaaday saldhigga ciidamada dowladda Ceel Saliini oo qasaar xoog leh ay gaarsiiyeen, waxaana hoggaaminaya Taliye kuxigeenka qeybta 12ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Gurmadka G/le Sare Maxamed Maxamuud (Qataatow) Taliyaha guutada koowaad ee Qeybta 12-ka April G/le Sare Xasan Aadan Xaashi iyo Taliyaha Guutada 1-aad ee qeybta 12 April Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Nuur

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,388FansLike
1,304FollowersFollow
3,463FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!