Friday, June 27, 2025

Howlgal ciidamo ajnabi ah ka fuliyeen degmada Awdhiigle & dagaal culus oo dhex maray Alshabaab

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in howlgal culus ay xalay degmada Awdheegle ku qaadeen ciidamo ajnabi ah oo watay diyaaradaha dagaalka ee Helikobtarrada ah.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay howlgalkooda ku bilaabeen dhinaca dhulka markii ay diyaaradahooda goob fog dhigteen kadibna ay weerar  lugta ah ku qaadeen saldhigga A;shabaab ee Awdheegle, waxaana dagaal culus dhex maray ciidamada ajnabiga ah iyo maleeshiyada Alshabaab.

Alshabab ayaa xaqiijisay weerarka lagu soo qaaday xaruntooda Awdheegle. Afhayeenka Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta Alshabab taageerta u sheegay  in ciidamo hubeysan oo watay laba diyaaradood oo helicopter ah ay xaley weerareen degmada Awdheegle.

Afhayeenka ayaa sheegay inay dib u celiyeen ciidamadaasi weerarka ahaa oo aanay gaarin hadafkii weerarkooda. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada weerarka ahaa ay diyaaradaha soo dhigteen meel banaanka magaalada ah, kadibna ay ciidamo lug ku soo galeen saldhigga degmada, kadibna riday dhowr xabo oo Buleer ah.

Dagaalka ayaa socday muddo  30 daqiiqo ah, waxayna Alshabaab ku doodeysaa inay dib u celiyeen ciidamada iyadoo sheegtay in mid kamida maleeshiyadooda la dilay.

Weerarka oo xalay xalay saqdii dhexe, waxaana loo maleynayaa inay ciidamada weerarka soo qaaday ay yihiin Mareykan. ma jiro wax war ah oo kasoo baxay ciidamada weerarka qaaday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON