Howlgal balaaran oo la sheegay in maamulka gobolka Hiiraan uu ku sugayo ammaanka magaalada Beledweyne ayaa maanta ka dhacay magaaladaasi iyadoo iska hor imaad kooban uu ka dhacay magaalada.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ku dhawaaqay in magaalada laga mamnuucay maleeshiyooyinka beelaha, hubkana laga dhigi doono, taasoo keentay in koox hubeysan oo ku sugneyd Buundoweyn ay ka hor yimaadeen ciidanka.
Iska hor imaadka ayaa la sheegay in lagu dhaawacay 4 qof oo isugu jira maleeshiyada iyo ciidamada Gobolka, waxaana weli magaalada ka socda howlgalka oo dhinaca Bari ee magaalada u gudbay.
Arrintan ayaa ka danbeeyay kadib markii Maamulka Hiiraan ku dhawaaqay in 24 saacadood gudahood ay uga baxaan magaaladaasi maleeshiyooyinka beelaha.
Goobjooge.com