Monday, August 25, 2025

Howlgal xoog leh oo ka socda Magaalada Buuloburte kadib dilkii askariga Jabuutiyaanka

Howlgal xoog leh ayaa ka socda magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, kadib markii maanta lagu dilau askari ka tirsan ciidamda Jabuuti ee AMISOM.

Xiisad ka dhalatay dilka askariga ayaa hareysay magaalada kadib markii la sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu geystay dilka askariga reer Jabuuti ee Hiil walaal.

Howlgal weyn oo ay iska kaashanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa magaalada ka socda ilaa caawa, kaasoo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay dilka askariga Jabuutiyaanka.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in dilka askariga Jabuuti uu dilkiisa ka dhashay muran salka ku haya haweeney Qaad iibiya oo ay is af dhaafeen askariga Jabuutiyaanka ah oo keenay inuu u gacan qaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON