Tan iyo markii ay bilowdeen howlgalada loogu magac daray xasilinta amniga magaalada Muqdisho ayaa waxaa magaalada ka dhacay isbadal ka duwan sidii hore, kaasoo aan ku jirin dhinaca amniga oo marka la eego xaalada amaanka waxba iska badalin.
Isbadalada howlgalkaan uu dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah in magaaladu noqotay mid ciriiri ah, taasoo ay ugu wacan tahay wadooyinka jid cadayaasha ah ee dowladda wada xirtay, gaadiidkiina isugu soo aruuray hal wado kaliya, taasoo jaam ka dhigtay magaalada.
Waxaa adag in si fudud aad ku gaarto goobtaada shaqo waxayna qaadaneysaa inaad gaarigaada ku tagto meel 2 km kuu jirta labo saacadood iyo ka badan inay kugu qaadato.
Arintaasi waa waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka Muqdisho, waxayna dadka isweydiinayaan howlgalka ma mid amniga lagu sugayo mise mid bulshada lagu cuuryaaminaayo.
Dad badan ayaa madax xannuun ka qaaday ciriiriga magaalada iyo baabuurta is dhex yaacsan, waxayna doorbideen in ay cagahooda maalaan.
Mooto bajaajta ayey inta badan dadkii ku socon jiray gawaarida doorbideen in ay isticmaalaan, taasoo si dhuumaaleysi iyo qardo jeex ku geysa goobahooda shako.
Dhaliilaha soo baxaaya ayaa waxaa ka mid ah in howlgalka xasilinta Muqdisho uu dhinaca amaanka wax badan kusoo kordin, maadaama qaraxyada iyo dilalka qorsheysan sidoodii u dhacayaan, laakiin isbadalka uu soo kordhiyay in ay tahay bulshada oo la xanibay, shaqooyinkoodiina laga horistaagay in ay si fudud ku tagaan.
Dadka Muqdisho ayaa su’aal geliyay howlgalka dowladdu ugu yeertay xasilinta amniga Muqdisho. Goobaha bulshada iskugu timaado ayaa arintaan si weyn looga hadlayaa, waxayna ku macneeyaan in howlgalkaan uu yahay mid bulshada lagu cuuryaaminaayo ee uusan aheyn mid amniga lagu sugaayo.