Wednesday, June 25, 2025

Howlgalkii weerarka lagu qaaday xarunta Tacliinta sare oo lasoo gabagabeeyay & qasaaraha ka dhashay

Weerar ku bilowday qarax weyn ayaa gilgilay  xarunta wasaaradii Hidaha iyo Tacliinta Sarre ee KM5 , kadibna  rasaas la isku weydaarsaday ayaa ka bilaabtay markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay galeen xarunta.

Waxaa degdeg u soo gaaray xarunta wasaaradda ee weerarka lagu qaaday  ciidamada nabadsugigga kuwooda sida degdegga ah u howlgala ee Gaashaan, waxayna gudaha u galeen xaruntaasi iyadoo hadda uun soo afjaray weerarkii lagu qaaday goobtaasi. Wararka  aya asheegaya in ilaalada wasaaradda ay inta badan dileen raggii weerarka soo qaaday oo la sheegay inuu qorshahoodu ahaa inay muddo dheer heystaan xaruntaasi maadaama ay wateen timir iyo biyo sida ay soo sheegeen weriyeyaashii meydkooda arkay.

[row][double_paragraph]Wasaradda_Hiddaha_talciinta_Sare [/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-3″][/double_paragraph] [/row]

 

Qasaaraha qaraxa iyo weerarka ayaa gaaraya 18 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac  ka badan 20 kale. Dadka ugu badani waxay ku dhinteen qaraxa is-maadaaminta ah waxayna kala ahaayeen shacab 8 ruux, askar 2 iyo 7 dableyda Alshabaab, dadka dhaawaca gaaray waxaa ka mida shaqaalaha wasaaradda waxbarashada sida agaasimihii waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada oo dhaawac jab ah lugta ka soo gaaray. Afar kamida dadka dhintay waxay ahayeen dableydii weerarka ku qaaday xarunta ee Alshabaab.

Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa howgalkii xarunta tacliinta sare lagu furtay, waxaana goobta oo ahayd meel dadweynuhu ku badan yihiin ay keentay in qasaaraha dadka uu bato.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON