Waxaa magaalada Boosaaso lagu qabtay Gaari iskaroge ah oo lagu qariyey Hub iyo Saanad.
Booliiska Gobolka Bari, oo kaashanaya laamaha Sirdoonka Puntland, ayaa qabtay gaari lagu soo qariyay hub iyo saanad sharci-darro ah.
Gaariga oo noociisu yahay ISKA-ROGO, ayaa lagu qabtay garaash la dhigay oo ku yaalla gudaha Boosaaso, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Boosaaso.
Booliiska ayaa sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanadda saaran, balse Ciidanku xogtiisa hayay.
Cidda hubkaasi usocday ayaan lashaacin, waxaana la wareegay hubka iyo Gaarigaba, ciidamada amniga.
