Urur Goboleedka IGAD ayaa muddo shan maalmood ah siiyay odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan
ee diidan maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib makrii kulankii labaad uu magaalada Beledweyne ku dhex maray wafdi ka socday IGAD iyo qaar ka mida odayaasha Hiiraan.
Wafdiga IGAD oo uu hogaaminayay Wakiilka ururkaasi u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey ayna ka mid ahaayeen Jen. Gabre iyo xubno ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa kulan muddo dheer qaatay la yeeshay odayaasha dhaqanka uu hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn mucaarad ugu ahaa maamul u sameynta Hiiran iyo Shabeelaha Dhexe.
Wadahadalka ayaa la isku mari waayay iyadoo la sheegay in odayaasha ay yimaadeen shuruudo fara badan oo ah kuwii hore u socon waayay, waxaana markaas kadib ay IGAD si cad ugu sheegtay in labada gobol aanay ka hareynin nidaamka federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay marka hore odayaasha aqbalaan dhismaha maamulka kadibna wixii faahfaahin ah dib looga hadlo.
IGAD ayaa sidoo kale odayaasha u sheegtay inaysan aqbaleynin dib u dhac kale oo kaliya arrinta u furan odayaasha ay tahay in degdeg loo bilaabo shirkii Jowhar. Arrintan oo ku adkaatay odayaasha ayaa codsaday in la siiyo muddo 5 maalmood ah oo ay dib ugula noqdaan arrinta dadkooda.
IGAD oo aqbashay codsiga odayaasha ayaa u sii raacisay in go’aankooda oo cad u gudbiyaan si qoraal ah muddada loo qabtay oo aanay jiri doonin wafdi kale oo Beledweyne IGAD u diri doonto.
Qaar ka mida Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa sheegay in shirkii ay la yeesheen IGAD uu fashil ku dhammaaday.
Goobjooge.com