Wednesday, July 16, 2025

Iiraan oo jebisay Qodob ka mida Heshiiskii Niyukliyerka & Digniin ay u dirtay dalalka Yurub

Dowladda Iiraan ayaa maanta ku dhawaaqday inay ka baxday qodob ka mida heshiiskii Niyukliyeerka ee Iiraan iyo lixda dal ee dunida ugu waaweyn.

Arrintan oo timid kadib markii dalalka Midowga Yurub fulin waayeen qeybta uga aadan heshiiskaasi oo muddo 2 bilood ah ay hore Iiraan ugu qabatay dalalkaasi, waxaana wasiir ku xigeenak arrimaha dibada Cabbaas Caraqji uu shaacisay in laga bilaabo maanta kordhisay xoojinta maadada ‘Uuranium” qiyaas gaareysa 3.67%.

Qodobka ay Iiraan jebisay ayaa ka mida kuwa ugu muhiimsanaa heshiiska Niyukliyeerka, waxayna Iiraan sheegtay in haddii heshiiska la fulin waayo muddo laba bilood kadib ay haddana dib u eegi doono heshiiska iyo tallaabada ay qaadi doonto.

Heshiiska Niyukliyeerka ee sanadkii 2015 dhex maray Iiran iyo dalka loo yaqaan 5+1 oo kala ah: Mareykanka, Ruushka, China, Faransiiska, Ingiriiska, iyo Jarmalka ayaa waxaa ka baxay Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Iiraan, taasoo keentay in heshiiska uu halis galo, iyadoo dalalka Yurub ee qeybta ka ah heshiiskan ay ku guuleysan waayeen inay ka hortagaan cunaqabateynta Mareykanka kusoo rogay Iiraan .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON